waran cireed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waran cireed
Shooting star
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Warancireed
Meteor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warancireed
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo ka yimaada hab-qorraxeedka oo ka gubta gibil dhuleedka marka uu korka ka soo galo; fallaadh cirka habeenkii ka soo dhacda. Warancireed badan ayaa daadanaaya caawa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waran-cireed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waran-cireed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shooting star
Waran cireed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAN BIREED
(Lanbired) S Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAA-JIREED
(Wa-jired) May Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbad cireed
Celestial sphere
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab carreed
Horizon soil
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marin buureed
Piedmont
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad bireed
Tidal wave
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Helitaan cireed
Abundance, cosmic
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arancióne
agg. - midab ka kooban guduud iyo hurdi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
garantire
v.tr. - ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranjiid
-ka: (magac, lab, keli) niyadjab iyo nacsiin ciidammo dagaal ku jira lagu sameeyo. Waranjiid cadaw ma difaaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranweer
-ka: (magac, lab, keli) shalwad ama rogrogmasho meel sare laga soo shalwado oo laga soo rogrogmado. Gaadhigii waranweer ayuu kaga soo dhacay dalcadii.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran leeb
Vector product
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran leeb
Product, vector
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantirid
m.dh (daawo) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantirid
m.dh (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarantirid
vl. n., [compound] sterilization, sexual neutering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarantirid
de: sterilization, sexual neutering
initial: t
lx: tarantirid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: tarantirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawadhireed
-da: (magac, dhedig, keli) dawadhaqameed dhirta laga sameeyo oo loo adeegsado dawo ahaan. Dh: dawodhireed, dawodhaqameed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro fareed
Finger lake
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab-hireed
Wave form
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantarree
f.g/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f.g) Laba meelood oo isu dhow isaga socosho. 2. (f.mg) Xoolo xawaaro samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itaal hireed
Wave intensity
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tamar-hireed
Wave energy
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARAABO-REEB
(Warabo-reb) May, S Commiphora africana (A.Rich.) Engl. Burseraceae.
S Commiphora gowlello sprgue. Burseraceae.
NFD Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
NFD Commiphora habessinica (0.Berg.) Engl. Burseraceae.
C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
NFD Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmurtiyeed
-ka: (magac, lab, keli) war si rasmi ah ay dawlad ama maammul u sii daayo ama shir rasmi ah ka soo baxa. Warmurtiyeedkii shirka ka soo baxay lama faahfaahinnin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylcirifeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax ciideed
n. phr. sandstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadhcireed
-da: (magac, dhedig, keli) uumikaah dhulka kaga yimaad xagga dululaatiga ama cirka sare; fallaadhkaah ka soo huleesha ilo kala jaad jaad ah midkood sida dabeyl qorraxeedda iyo milicda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxan wabiyeed
River basin
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waxaan u jeeda
c'est-à-dire.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhuleed
Ground frost, Land-ice
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gacan Atomeed
Atomic Rodus
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf badeed
Block diagram
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laan-cigaleed
(Laan-cigaleed-da)
1. Qalab waayadii hore lagu dagaallami jirey oo dhagaxa lagu tuuri jirey.
2.* Qalab jaadkaas u eg oo dayuuradaha kaca haya, siiba kuwa maraakiibta dushooda ka kaca haya, anbabbixiya oo xoog xiimiya u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laan-cigaleed
f. n. catapult
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad hareed
Seiche
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MURAN HAWLEED
Disputa di lavoro
Work dispute
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-bireed
Qalab lagu qallaco birta la jarayo, soofaynayo, la kala dillaacinayo, godayo, laabayo iwm.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raando-bireed
Nooc ka tirsan faaradaha ee burada iyo gacanqabsiga mooyee inta kale ka samaysan tahay bir heer sare ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid tireed
Numerical analysis
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
shaag Carbeed
Arabian cartwheel
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waqti jlideed
Zone line
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xaasaw-bireed
Xig biireed dhumucda ka leeg dunta dharka co kale, sida timaha burush-shooladeedka, xaasawda xarigga korontada iwm.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad birlabeed
Magnetic Field
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf qaaradeed
Continental glacier
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayl-cirifeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waarid tamareed
Conservation of Energy
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wadar aljabreed
Sum, algebraic
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Walhade jiibeed
Beat oscilator
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wareeg gibileed
Atmospheric circulation